War-saxaafadeed-10-11-2022-(WMT-JSL)-Fadhigii maanta oo ahaa kii 102aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa lagaga dooday qodobbo muhiima oo la xidhiidha horumarinta arrimaha Qaranka.
Ugu horrayn, waxa uu goluhu war-bixin ka dhegeystay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ka war-bixiyey xaaladda guud ee la xidhiidha amniga, isagoo wasiirku xusay inay ku ammaanan yihiin Ciidammada kala duwan ee dalka oo marwalba garab ka hela Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa kale oo goluhu war-bixin ka dhegeystay Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Dr. Axmed Aadan Buuxane oo ka hadlay halka uu marayo qorshaha saddexaad ee horumarinta Qaranka ee (NDP3), oo uu soo gabagaboobay qoraalkiisu waxna ka tari-doona horumarka dalka. Sidoo kale goluhu waxa uu warbixin ka dhegeystay Wasiirka Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Dhulka, Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan oo ka warbixiyey diiwaangelinta hantida ma guurtada ah ee Dawladdu halka ay marayso, iyadoo ay in muddo ah iska kaashanayeen Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, waxaanu goluhu isku raacay dhammaystirka habraaca summadda Hantida Qaranka ee ma guurtida ah.
Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Caddaalladda, Mudane Saleebaan Warsame Guuleed oo kaashanaya Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Mudane Cabdisamad Cumar Maal, ayaa Golaha u sharraxay wax-ka-beddel iyo kaabis lagu soo sameeyey Xeerka Adeegga Kaalmada Sharci, iyada oo goluhu u ballamay inuu dood ka yeesho shirarka dambe.
Ugu dambayn, waxa goluhu xusay inay xukuumaddu dhamaystirtay wixii waajibaada ee kaga aaddanaa dhinaca doorashooyinka; sida Ammaanka iyo dhaqaalaha, iyadoo xukuumaddu raacaysa qorshaha wakhtiga ay guddida doorashooyinku soo cayimaan ee ay ku qaban karaan diiwaangelinta iyo doorashooyinka, waxaanay xukuumaddu ku boorrinaysaa dhammaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland in ay si nabada ah doorashooyinka u galaan.
ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Waaxda Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.