Washington D.C-17-03-2022-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo maalintii shanaad ku gudda jira shafarkoodii shaqo ee Washington D.C ayaa kulamo muhiima la yeeshay Guddida Arrimaha Dibeda ee Aqalka congress-ka oo uu hoggaaminaayo Rep. Greg Meeks oo ah xildhibaan dimuquraadi ah oo laga soo doorto New York, oo uu wehelinaayo mudanaha dhigiisa ah ee ka socda xisbiga Jamhuuriga, Rep. Mike McCaul oo laga soo doorto gobolka Texas, waxa kale oo wehelinaysay Rep. Karen Bass oo ah gudoomiyaha Guddi Hoosaadka Afrika, ee aqalka Congress-ka oo ah xildhibaan laga soo doorto California. Waxa kale oo wehelinaayey mudaneyaasha kala ah; Rep. Chris Smith (R-NJ), Rep. Steve Chabot (R-OH), Rep. Young Kim (R-CA), Rep. Tim Burchett (R-TN), Rep. Brian Mast (R-FL), Rep. Ilhan Omar (D-MN) iyo Rep. Scott Perry (R-PA).
Dhinaca madaxweynaha Qaranka Somaliland iyo weftigiisu waxay kulan gaara kula qaateen xafiiskiisa Mudane Chris Smith oo ah xildhibaan ka mida golaha wakiilada Maraykanka ahna xubinta ugu saraysa xisbiga Jamhuuriga ee kaga jira guddi hoosaadka Arrimaha Dibeda u qaabilsan Afrika. Waxaana la isla meel dhigay danaha labada wadan iska kaashan karaan ee dhinacyada amaanka, horumarka, dhaqaalaha iyo dhinacyo kale oo badan.
Sidoo kale Waxa isla maanta weftiga madaxweynuhu kulan wada jira la qaateen mudaneyaasha Aqalka Saree e Maraykanka ee kala ah Mike Rounds Iyo Chrin Van Hollen oo isaga hooseeya guddi hoosaadka Aqalka Sare ee Maraykanka u qaabilsan Afrika, waxaanay labadaa mudane soo dhaweeyeen in Maraykanku xidhiidh dhaw la yeesho Somaliland.
Ugu Danbayn, mudaneyaal ka tirsan Golaha odayaasha dalka Maraykanka ayaa gudbiyey, una gudbiyey Dawladda Maraykanka, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibeda ee Maraykanka mooshin, ay xoghayaha arrimaha dibeda ee Maraykanka in uu u soo gudbiyo aqalka sare ee mudaneyaasha Maraykanka warbixin sannadle ah oo la xidhiidha caawimooyin Maraykanku siiyo Somaliland iyo in uu sameeyo daraasad ku saabsan iskaashiga dhinaca amniga ee Maraykanku la samayn karo Somaliland, isagoo kaashanaya xoghayaha difaaca ee Maraykanka.
ALLAA MAHAD LEH
Warbaahinta Madaxtooyada JSL.