Washington-DC-22-03-2022-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo maanta Khudbad ka jeediyey Jaamacadda George Washington University oo uu kaga hadlay Arrimo badan oo khuseeya xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland iyo Beesha Caalamka ka dhexeeya iyo dedaalada horumarineed ee dalka ka ka socda.
Waxaana Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, markii uu dhameeyey khudbadiisa su’aalo la xidhiidha arrimaha Somaliland halkaa ku waydiiyey ardayda dhigata Jaamacadda qaar ka mida oo fursad u helay inay madaxweynaha waydiiyaan, isna uu uga jawaabo su’aalihii ay qabeen,
Waxaana madaxweynaha kulankaa ku wehelinaayey xubnihii ka midka ahaa weftiga intooda badan oo ay ka mid ahaayeen wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Warfaafinta, wacyigelinta iyo dhaqanka, Deegaanka iyo isbedelka Cilimada, La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Dhaqaalaha iyo Dr. Jaamac Muusse Jaamac.