Ceerigaabo-15-06-2022-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa xadhiga ka jaray dhabadda diyaaraduhu ka hadaan ee madaarka Ceerigaabo, kaas oo dhererkeesu dhan yahay 1.8 km GRAVEL Runway, taas oo ay Maalgalisey Hay’adda duulista iyo Madaarada Somaliland, Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, Waxa uu dhagax dhigey, Xayn-daabka Garoonka Diyaaradaha Ee Ceerigaabo oo Bedkiisu dhan Yahay Todoba Killo Mitir (7km) oo Square iyo terminal cusub oo loo binayn-doono.
Madaxweynaha oo garowsan kana duulaya ahmiyada uu Dalka u leeyahay Garoonka diyaaraha Ceerigaabo, waxa uu balan qaadey in la dhamaystiridoono, dhamaanba adeegyda uu u baahan yahay madaar diyaaradeed oo Maxali ah. (Domestic Airport).
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo waftigii cuslaa ee uu Hogaaminayey oo Ka Koobnaa Golayaasha fulinta ee Xukuumadda iyo Sharci dajinta, Baarlamaanka oo safar shaqo maalmihii u danbeeyay ku joogy magaalada Ceerigaabo ayaa socdaal dhinaca cirka ah kaga soo ambo baxay xarunta Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, waxaanay ku soo noqdeen waftiga madaxweynuhu Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Wa-bilaahi Tawfiiq