Ceerigaabo-15-06-2022-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isaga iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayaa maalmahanba ku sugnaayeen gobolka Sanaag, ayaa maanta fagaaraha weyn ee Beerta Nuura kala hadlay shacabka ku dhaqan magaalada Ceerigaabo.
Shacabka ku dhaqan gudaha magaalada Ceerigaabo oo ay hormuud u yihiin maamulka gobolka, ka degmada, salaadiinta, boqorrada, cuqaasha iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo saaka soo buux dhaafiyey fagaaraha weyn ee Nuura, islamarkaana lulaya astaanta calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo caleemo qoyan, ayaa waxa ugu horrayn hadal u jeediyey guddoomiyaha golaha deegaanka degmada Ceerigaabo, Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur, waxana uu uga mahadnaqay sida milgaha leh ee ay usoo dhaweeyeen madaxweynaha iyo weftigiisa.
Madax-dhaqameedka waaweyn ee gobolka Sanaag oo ay kamid yihiin Boqor Maxamed Nuux, Boqor Ibraahim Maxamed Xasan, Chief Caaqil Sheekh Carab iyo Chief Caaqil Xasan Faarax Godane oo la hadlay shacabkii fagaaraha ku sugnaa, ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in shacabku iyaga oo isku duuban ay madaxdooda soo dhaweyaan, kalana hadlaan danta gobolkooda iyo midda magaaladaba, waxana ay madaxweynaha iyo xukuumaddiisa ugaga mahadnaqeen waxqabadka ballaadhan ee xukuumaddiisu ka fulisay gobolka Sanaag.
Guddoomiyaha gobobolka Sanaag, Mudane Axmed Cabdi Muuse, ayaa isaguna shacabka reer Ceerigaabo ugaga mahadnaqay sida ay madaxdooda u maamuuseen iyo waddaniyadda ay muujiyeen, isaga oo ku adkeeyey inay sii adkeeyaan wada-jirkooda.
Guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo hadal dhinacyo badan taabanaya u jeediyey bulshadii halkaas kusoo dhaweysay madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa bulshada u diray farriin ku saabsan sidii ay uga shaqayn lahaayeen horumarka gobolkooda iyo nabadgelyada dhexdooda ah.
Guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo la hadlay shacabka ku dhaqan Ceerigaabo, ayaa uga mahadnaqay soo dhaweynta ay ku midaysan yihiin ee ay madaxweynaha iyo weftigiisa ku qaabileen muddadii ay gobolka joogeen, waxana uu kula dardaarmay inay wanaagga iyo waddaniyadda ay muujiyeen sii wadaan oo ay gobolkooda ka dhigaan mid meel walba lagaga soo hirto.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane muuse Biixi Cabdi oo khudbad dheer u jeediyey bulshada reer Ceerigaabo, ayaa ugu horrayn ugaga mahadnaqay soo dhaweynta heerka sarraysa ee waddaniyadda iyo xamaasaddu ku dheehan tahay ee ay kusoo dhaweeyeen, waxana uu ku dheeraaday muhiimadda gobolka Sanaag leeyahay, khayraadka ku duugan iyo sida ay xukuumadda uu hoggaamiyaa ugu dedaashay in mashaariic badan oo qaranku dhaqaale badan ku bixiyey ay gobolka ka hirgeliso.
Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey inay nabadaynta iyo isu soo dhaweynta Beelaha walaalaha ee gobolka ku dhaqan xukuumad ahaan waqti badan geliyeen, kana gaadheen natiijo wanaagsan, isaga oo ku adkeeyey adkaystaan nabadda, wada-jirka iyo isku xidhnaanta dhexdooda ah.
Wa-bilaahi Tawfiiq