Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta 06/11/2022 ka qaybgalay shirka Sannadlaha ah ee Guddiyada Horumarinta Waxbarasharada ee Degmooyinka Dalka oo lagu qabtay Caasimada Somaliland ee Hargeysa.