Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 26.11.2022 kulan la qaatay masuuliyiin ka socday hay’adda UNICEF.
Waxaana Kulankaa lagaga hadlay Sidii kor loogu qaadi lahaa mashaariicda UNJPLG Ka oo ay UNICEF hormuud Ka tahay iyo Sidii ay hay’adda UNICEF u xoojin lahayd dadaalka ay Ku bixiso dhinaca biyaha, waxbarashada iyo caafimaadka iyo Inay sii wadaa mashaariicda dhinaca JPLG Ka ee 2023 ga.