Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Dalka Kusoo Dhaweeyey Safiirka waddanka Qatar.
Hargeysa-17-04-2022-()-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa soo dhaweeyey safiirka waddanka Qatar u fadhiya dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya Amb. Hassan Bin Hamza Hashem oo dalka u yimi sidii uu indhihiisa ugu arki lahaa baaxadda dhibaatadii uu geystay dabkii dhawaan ka kacay suuqa weyn ee Waaheen.
Madaxweyne-ku-xigeenka oo ay wehelinayaan guddida gurmadka iyo taakulaynta suuqa Waaheen, xubno kamid ah golaha wasiirrada, ayaa safiirka geeyey badhtamaha suuqa gubtay ee Waaheen oo ay weli ka socoto nadiifinta hadhaaga hantidii gubatay, waxana uu safiirku indhihiisa ku arkay inta ay le’eg tahay dhibaatada dabku geystay, isaga oo muujiyey sida uu uga xun yahay dhibka gaadhay dhaqaalihii bulshada reer Somaliland ee halkaas ku ganacsan jirtay.
Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa safiirka uga xog warramay dhibaatada uu dabku gaadhsiiyey ganacsatadii suuqa ku ganacsan jirtay iyo hantidii kala duwanayd ee halkaas taallay, waxana uu sheegay inay kumanaan qof oo hantiileyaal ahaan jiray haatan faro-madhnaan taagan yihiin oo uu dabkaasi hantidoodii baabi’iyey.
Safiirka dalka Qatar Ambassador Hassan Bin Hamza Hashem, oo ay wehelinayaan, Fahad Al-Dehemi oo ah sarkaal ka socday gargaarka caalamiga ah ee Qadar iyo Yuosef Al-Mulla oo ah Cilmi baadhe dhinaca Gargaarka Bini'aadamnimada ee Qadar iyo Ali Abdullah Al-Dabbagh, ayaa muujiyey sida ay uga tiiraanyeysan yihiin dhibka gaadhay hantidii bulshada reer Somaliland, waxana uu wareejiyey mucaawimo raashin ah oo ay ugu talo galeen 750 qoys oo oo danyar ah, waxana uu ballan qaaday inay ka dawlad ahaan ka qayb qaadan doonaan dib-u-dhiska suuqa gubtay ee Waaheen.
Wa-bilaahi Tawfiiq