Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo Wareejiyey Gaadhi Dab-damis ah oo Baanka dhexe ugu deeqay Ciidanka Dab-damiska.
Hargeysa-19-03-2023-()-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta taliska ciidanka dab-damiska ku wareejiyey gaadhi cusub oo loogu talo galay in lagula dagaallamo masiibada dabka oo uu Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland ugu deeqay ciidanka dab-damiska.
 
Munaasibadda wareejinta baabuurkan cusub ee casriga oo ay madaxweyne-ku-xigeenka ku wehelinayeen madaxda Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, taliska ciidanka dab-damiska, madaxda dawladda Hoose ee caasimadda Hargeysa iyo saraakiil kale, ayaa ugu horrayn loogu mahadceliyey madaxda Baanka dhexe ee gartay inay baabuur casri ah oo lagula dagaallami doono dabka ku wareejiyaan ciidanka dab-damiska.
 
Ugu horrayn, Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cali Cabdilaahi Daahir oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay ka bangi ahaan isku xilqaameen inay qayb ka qaataan badbaadinta hantida ummaddooda, iyaga oo ka tusaale qaadanaya baahida loo qabo gaadiid casri ah oo hawsha dab-damiska qayb ka noqda.
 
Taliyaha ciidanka dab-damiska sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili) oo munaasibadda hadallo kooban ka jeediyey, ayaa ugu horrayn madaxda Baanka dhexe ugaga mahadnaqay deeqda gaadiidka ah ee ay ciidanka dab-damiska oo shaqo qaran haya ugu deeqaan, waxana uu xusay inay ciidan ahaan baahi weyn u qabeen baabuurkan, una isticmaali doonaan hawlaha muhiimka ah ee ay kula dagaallamayaan dabka kala duwan ee ka kaca goobaha dadweynaha iyo hantida kale ee muhiimka ah.
 
Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo baabuurkan ku wareejiyey taliska ciidanka Dab-damiska, ayaa mahadnaq ballaadhan u jeediyey hoggaanka Baanka dhexe, waxana ku tilmaamay tallaabo ku dayasho mudan oo wax weyn ka taraysa badbaadinta hantida ummadda iyo nafta muwaaddiniinta reer Somaliland.
Waibilaahi Tawfiiq