Madaxweyne ku xigeenka JSL ahna ku simaha Madaxweynaha Ayaa Habka Fogaan araga Kullan Kul Qaatay Masuuliyiinta Hay’adda ECHO Ee Midowga Yurub U Qaabilsan Africa.
Hargeysa: 19/03/2022()-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta habka maqalka iyo muuqaalka (Online) shir kula yeeshay agaasimaha hay’adda ECHO ee midowga Yurub u qaabilsan Africa gaar ahaan dhinaca bani-adamnitimada Ms. Andrea Koulaimah.
Madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha JSL Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay kullankaasi ku weelinayeen xubno ka tirsan guddida gurmadka abaarta ayaa ugu horaynba ka waramay Xaalada abaareed ee ka jirta dalka Somaliland iyo safarkii uu dhawaan ku soo maray gobolada bariga jamhuuriyadda Somaliland, taasi oo uu ugu kuur-galayey xaaladda abaarta iyo iyo qiimaynta gurmadkii ay hore guddida abaarta ee heer qaran u dirtay goboladaasi, sidoo kale waxa uu ka hadlay qaadhaanka soo gaadhay, kaasi oo uu hoosta ka xariiqay in ilaa hadda waxa soo gaadhay ee ay kula tacaalayaan abaarta dalka jirta ay tahay kharashkii ay Xukuumadda Somaliland ugu talo-gashay gurmadka abaarta iyo qaadhaankii ganacsatada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ay soo gaadhsiiyeen guddida gurmadka abaarta, waxa kale uu xusay in ilaa hadda kaalmadii ay ka filayeen hay’addaha Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo hay’addaha kale ee caalamiga ahba ay gaabis tahay.
Ugu dambayntiina madaxweyne ku-xigeenku waxa uu u soo jeediyey masuuliyiinta Midowga Yurub in wixii ay kaalmo iyo gurmad ah ee ay ugu talo-galeen bulshada ay abaartu saamaysay deg-deg ula soo gaadhaan, maadaama ay xaaladda abaarta ee dalka ka jirtaa ay maalinba maalinka ka sii dambaysa ka sii adkaanayso, baahiduna soo kordhayso isla mar ahaantaana ay jirto culays soo guurto k aka yimi Goboladda dhexe ee Soomaaliya, Putland iyo Dawladd Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.
Gaba-gebadii shirka masuuliyiinta midowga yurub ayaa waxa ay ballan qaadeen in kaalmadii bini-aadamnimo ay hore ugu qorsheeyeen Somaliland ay soo mariyeen hay’addaha caalamiga ah, qorshaha mucaawima-daasina ay samayndoonto dowladda Jamhuuriyadda Somaliland iyaga oo kaashanaya hay’addahaasi caalamiga ah.