Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo maanta gaadhay magaaladda Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa ka qayb-galay munaasibad Dawladda Hoose ee Degmadda Boorama kusoo bandhigaysay Gaadiid iyo Qalab cusub oo ay soo iibsatay. Qalabkan ayaa loogu tallo-galay dib-u-dhiska Wadooyinka halbawlaha ah ee magaaladda Boorama.