Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL ayaa maanta agab Caafimaad iyo Daawooyin kala wareegay Haayadda Caafimaadka aduunka WHO
Hargaysa-June-11-2023; Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa agab Caafimaad iyo daawooyin loogu talo gelay shaybaadka kala wareegay Haayadda Caafimaadka aduunka ee (WHO) Madasha lagula kala wareegayay agabkan Caafimaad ayaa waxaa agaasimaha ku Wehelinayay masuuliinta Xarunta kaydka Daawadda qaranka, Masuuliin kale oo ka socotay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo sidoo kale Masuuliin Sarsare oo ka socday Haayadda Cafimaadka aduunka WHO Xafiiskeeda Hargaysa.
Ugu horayn waxaa halkaa ka hadlay Masuuliin uu ka mid ahaa madaxa Haayadda Caafimaadka aduunka WHO Xafiiskeeda hargaysa Dr-Sindani oo ka waramay Agabkan iyo daawooyinka Caafimaad ee loogu talo gelay Shaybaadhka iyo muhiimada uu u leeyahay Horumarinta Shaybaadh, isagoo xusay ka Haayadd ahaan inay mar walba Diyaar u yihiin inay sii wadaan taageerada dhanka Caafimaadka ah ee ay Siyaasan Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye oo kala wareegay agabkan Caafimaad iyo daawooyinkan shaybaadhka, ayaa Haayadda Caafimaadka aduunka dhankiisa uga Mahadceliyay taageerada iyo garab istaaga ay marwalba siiso Haayadda Caafimaadka aduunku Somaliland gaar ahaan Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka isagoo dhankiisa balan qaaday inay sii xoojin doonaan wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa Wasaaradda iyo Haayadda, agabkan Caafimaad iyo Daawooyinkanina ay qayb-weyn ka qaadan doonaan dadaalada ay Wasaaraddu ugu jirto hirgelinta adeeg Caafimaad oo tago sare leh sidoo kalana wada gaadha guud ahaan gobolada iyo dagmooyinka dalka si fududna looga heli karo.
Wa-bilaahi Tawfiiq

Xafiiska Warbaahinta ee Wasaaradda
Horumarinta Caafimaadka JSL.