Berbera-05-02-2024-()-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay weheliyaan xubno ka mida wasiiradda wasaaraddaha dalka oo Magaalada Berbera kaga qaybgalay Furitaanka horyaalka horyaaladda Somaliland, ayaa intii ay ku sugnaayeen Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil, wuxuu Madaxweyne ku xigeenku kormeer ku tegey dekedda iyo xarumaha kale ee dawladda, isla markaana waxaa uu kulan la qaatay laamaha dawladda ee heer gobol, isaga oo kala hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta amniga, nabad-gelyada iyo dardar-gelinta shaqada dawladda.