Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolojiyadda oo kaashanaysa Hay’adda UN-HABITAT ayaa daahfurtay maanta kulan wadatashi oo lagu gorfaynaayo hanaanka casriyaynta adeegyada dawladaha hoose ee shan dagmo(Hargaysa,Burco,Borama,Berbera iyo Gabiley ) kulankaasi oo socon doona mudo 2 cisho.
Ujeedada kulankan wada tashi ayaa ah :-
1. Sidii loo soo saari lahaa hanaan iyo nidaam adeeg bixineed oo casri ah (Digital)
2. Siidii loo Fidin lahaa loona Balaadhin lahaa adeegyada dawladaha hoose iyadoo laga faa,iidaysanaayo teknoolojiyada casriga ah(Digital)
3. Sidii Nidaamka casriga ah ugu qayb qaadan lahaa kor u qaadida dakhliga dawladaha hoose ,loona heli lahaa hanaan daahfuran oo isla xisaabtan leh.
Kulankan maanta ayaa laga dooday adeeyada muhiimka ah ee ay dawladaha hoose bixiyaan sida diwaangalinta madaniga ah (dhalashada , dhimashada iyo guurka) , diiwaangalinta daaraha,ganacsiyada, ogolaanshaha dhismayaasha, maaraynta qashinka, cashuuraha dhulka, daaraha iyo ganacsiyada.