Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ku sugan Magaalo madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera ayaa galabta daahfuray Tartanka Horyaalka Horyaalada Somaliland oo si toosa uga furmay garoonka kubbadda Cagta ee Cabdalle Stadium ee Berbera.