Berbera-23-08-2023-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi oo magaalada Berbera ka dhagax-dhigay cusbitaalka Maanka ee Degmada Berbera oo ah mid casri ah, Iyadoo cusbitaalkii hore ee loo yaqaanay jeel magnuunku uu dhisan yahay muddo dheer oo ah 93 Sanno sidaa awgeedna loo baahday dhisme casri ah oo la jaanqaada wakhtigan casriga ah.
Waxaana halkaa ka hadlay oo ku dheeraaday ahmiyada cusbitaalkaasi u leeyahay degmada Berbera wasiirka Horumarinta Caafimaadka Mudane Xasan Maxamed Cali (Gafaadhi), Duqa Degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan Cidin, Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Mudane Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor), gudoomiyhaha Gobolka Saaxil mudane Cali Cabdilaahi Cabdi (Cali Case), Xildhibaan Cali Jaamac Carraale (Cali Qaran) iyo, Isuduwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka gobolka Saaxil Dr-Mubarik Yasiin Warsame.
Ugu danbayntiina Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa uga mahanqay cid kasta oo arrintaa gacan ka geysatay una duceeyey dhismaha iyo maayarka Berbera oo dedaal badan geliyey magaalada iyo bilicdeeda.