Berbera-14-08-2023-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay haamo cusub oo keydka shidaalka ah oo ay shirkadda Trafigura ka hirgelin doonto magaalada Berbera.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay haamo cusub oo casri ah oo la dhisi doono, kuwaas oo wax badan ka tari doona baahida shidaalka ee dalka iyo midda deriskaba.
Ugu horrayn waxa madasha ka hadlay maareeyaha haamaha shidaalka, Mudane Axmed Ibraahim Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa faahfaahiyey muhiimadda uu mashruucani u leeyahay qaranka, waxana uu ku tilmaamay maalgashi weyn oo soo jiidan kara shirkado kale oo caalami ah.
Guddoomiyaha gobolka Saaxil Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali-case) iyo duga degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Ciddin), ayaa iyaguna ku dheeraaday keydka cusub ee shidaal ee la dhagax-dhigay, waxana ay tilmaameen inay wax badan kusoo kordhinayaan muhiimadda ay Berberi qaranka u leedahay.
Mr. Hadi Hallouche oo ku hadlaya magaca shirkadda maalgashatay haamaha cusub ee shidaalka ee Trafigura, ayaa Somaliland ku ammaanay wada-shaqaynta iyo heellanaanta dhinaca maalgashiga ah ee ay muujisay, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay shirkad ahaan diyaar u yihiin sidii uu mashruuca lagu dhisayo keydkan shidaal u guulaysan lahaa.
Wasiirrada wasaaradaha horumarinta Maaliyadda iyo Ganacsiga, Dr. Sacad Cali Shire iyo Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), ayaa iyaguna si isku mid ah usoo dhaweeyey maalgashiga dhinaca keydka shidaalka ah ee ay shirkadda Trafigura ka hirgelisay Berbera, waxana ay xuseen inuu mashruucani Somaliland guul u yahay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda kelmedo kooban ka jeediyey, ayaa soo dhaweeyey mashruucan keydka shidaalka lagu dhisayo, waxana uu tilmaamay inay ka dawlad ahaan amniga shirkadda iyo dhaqaalahoodaba ballan qaadayaan, waxana uu yidhi,“Somaliland waxa ay shirkadda Trafigura u ballan qaadaysaa nabadgelyo, wada-shaqayn iyo horumar, dhaqaalahooda, dadkooda iyo qalabkooduna ay ammaan ku noqonayaan Somaliland.”
Madaxweynuhu waxa uu khudbaddiisa kusoo qaatay shaqsiyaad isku dayaya inay amniga iyo wada-jirka ummadda khalkhalgeliyaan, waxana uu tilmaamay in cadowga Somaliland isu soo bahaystay suurad-xumaynta dalka, balse ay shacabku arrintaas kaga jiraan feejignaan dheeraad ah,“Adduunyada Ilaahay waxa uu abuuray shar iyo khayr oo ay nolosha Bani’aadamku ku xidhan tahay, markasta oo wanaagga, horumarinta loo jeesta oo wanaag la doonayaba cid shaydaan u adeegaysa ama shaydaanba wato oo dhibaato ama wax ummadda dibudhac ku samaynaya la timaaddaa jira, aniguna waxan leeyahay cidda maanta dhibaatadaa Somaliland dhibaatadaa ku abuuraysaa waa cadowga Somaliland oo doonaya inaanay Somaliland horumar dhaqaale, mid siyaasadeed iyo mid dhaqanba aanay samaynin, waxanse ku kalsoonahay in shacabka Somaliland meel uu joogaba ka midaysan yahay inuu u jeesto horumarka, kana hortago wax kasta oo ka hor imanaya nabadda, horumarka, dawladnimada iyo qarannimada Somaliland, waana ta aynu iskaga difaacayno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Ugu dambayntii, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu u mahadnaqay shirkadaha waaweyn ee dalka oo uu sheegay in maalgashiga ay gudaha ku sameeyeen soo jiidatay maalgashi dibadeed oo ay dalka ku yimaaddeen shirkado caalami ahi.
Wa-bilaahi Tawfiiq