Hargeysa-10-07-2023-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa tabobar usoo xidhay ku dhawaad Afar kun oo kamid ah shaqaalaha dawladda oo dhammaystay tabobar Dastuurka iyo waddaniyadda ah lagu baray.

Munaasibaddan oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda Hargeysa, ayaa waxa madaxweynaha kala qayb-galay xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, madax ka socotay hay’adaha madaxa bannaan, hormuudka jaamacadaha dalka, agaasimayaal guud, taliyeyaal ciidan iyo kumannaan kamid ah shaqaalaha dawladda ee Dastuurka bartay, ayaa laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo dhallinyarada maanta tabobarka loo xidhay.

Ugu horrayn, agaasimaha guud ee wasaaradda Xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka, Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf oo munaasibadda daah-furtay, ayaa si qoto dheer u sharraxday muhiimadda ay wasaaraddu siinayso in shaqaalaha dawladda iyo muwaadiniinta kaleba aqoon mug leh u yeeshaan Dastuurka iyo shuruucda dalka.

Guddoomiyeyaasha jaamacadaha Hargeysa, Dr. Maxamuud Yuusuf Muuse iyo Cammuud, Dr. Maxamed Muuse iyo guddoomiyihii hore ee jaamacadda Camuud, Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo hadallada u kala dambeeyey, ayaa masuuliyiinta wasaaradda uga mahadnaqay sida xilkasnimada leh ee ay shaqaalaha dawladda ugu hubaynayaan aqoonta Dastuurka iyo barashada waddaniyadda.

Abwaan Axmed Saleebaan Bidde oo madasha shaqaalaha tabobarka loogu xidhayey ka hadlay, ayaa guul ku tilmaamay in shaqaalaha dawladda laga haqabtiro barashada Dastuurka, lana fahamsiiyo qiimaha uu dalkoodu leeyahay.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha, Mudane Khaalid Jaamac Qodax iyo guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, Mudane Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), ayaa iyaguna dhankooda bogaadiyey shaqaalaha tabobarka dhammaystay, waxana ay kula dardaarmeen in culuumta ay barteen ku dabbaqaan shaqooyinka ay bulshada u hayaan.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, Mudane  Maxamed Kaahin Axmed oo munaasibadda khudbad ka jeediyey, ayaa guul qaran ku sifeeyey inay dhallinyarada qaranka u shaqaysaa bartaa Dastuurka iyo waddaniyadda, isaga oo si kooban u sharraxay qobobbo muhiim ah oo dastuurka kamid ah.

Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka, Mudane Maxamed Xaaji Aadan, ayaa ugu horrayn hambalyeeyey dhallinyarada baratay Dastuurka, waxana uu si qoto dheer u sharraxay kaalinta muuqata ee ay wasaaraddu ka qaadatay kor uqaadista dastuurka, isaga oo carrabka ku adkeeyey in shaqaalaha dawladdu tabobarkan ka dheefeen faa’iidooyin badan oo isdhexgalka iyo isbarashada dhexdoodu fududaatay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa bogaadiyey fikirka ay wasaaraddu hormuudka ka tahay ee kor loogu qaadayo wacyiga dhallinyarada dawladda u shaqaysa ee dhinaca Dastuurka iyo waddaniyadda, waxana uu yidhi,“Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaan kasoo qaybgalo xafladdan oo ah mid horumar ah oo danta qaranka hawlaheeda lagu dhisayo oo dad danta qaranka naftooda u hurayaan ay ka hawlgaleen oo ay isugu yimaadeen haldoorkii dalku.”

Ugu dambayntii, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu shahaadooyin guddoonsiiyey qaar kamid ah shaqaalaha dawladda ee dhammaystay tabobarka.

Wa-bilaahi Tawfiiq