Burco-19-08-2023-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo loo qabtay 576 arday oo maanta ka qalinjebiyey jaamacadda Burco.
Munaasibadda qalinjebinta oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen xubno kamid ah golaha wasiirrada, madax katirsan xisbiga KULMIYE, maamulka Jaamacadda Burco, ardayda maanta qalinjebisay, waalidiintooda, siyaasiyiin iyo haldoor kale oo bulshada katirsan, ayaa laga jeediyey hadallo loogu fooladaynayo ardayda maanta dhammaysatay waxbarashada heerkeeda koowaad iyo keeda labaad, laguna dardaarayo in cilmigii ay barteen ku anfacaan nafahooda iyo dalkoodaba.
Ugu horrayn, mudane Faarax Yuusuf Xadhigle oo ku hadlay magaca Boodhka jaamacadda Burco oo halkaas ka hadlay, ayaa hambalyeeyey arday maanta qalinjebisay, waxana uu u rajeeyey mustaqbal ifaya iyo Aayatiin wanaagsan.
Axmed Cabdi Xirsi oo isaguna ku hadlay magaca ardayda qalijebisay, ayaa si qoto dheer u sharraxay waajibaadka ardayda waxbaratay saaran iyo sida loogu baahan yahay in aqoontii ay barteen ugu adeegaan si hufan ugu adeegaan bulshadooda.
Maayarka magaalada Burco, Mudane Cabdirisaaq Ibraahim Cabdi (Hero) iyo guddoomiyaha gobolka Togdheer, Mudane Maxamed Cabdilaahi Ibraahim (Nafaqo) oo munaasibadda ka hadlay, ayaa si mug leh ula dardaarmay Ardayda, waxana ay hogo-tusaaleeyeen qabyooyinka yaalla heerka nololeed ee ay maanta u gudbeen ardaydu iyo sida loogu baahan yahay inay qabyadaas dhammaystirkeeda wax uga qaban lahaayeen.
Guddoomiyaha jaamacadda Burco Dr. Ciise Nuur Liibaan, ayaa ka warbixiyey dedaalka ay jaamacad ahaan geliyeen sidii ay ardaydan maanta u qalinljebin lahaayeen, isaga oo hoosta ka xariiqay in jaamacaddu horumar ballaadhan ka samaysay diyaarinta cilmi-baadhiso lagaga gungaadhayo dhibaatooyinka kala duwan ee bulshada reer Somaliland ku gedaaman waqtigan.
Guddoomiyaha guddida tacliinta sare, Prof. Saleebaan Dirir Cabdi, ayaa dhankiisa bogaadiyey ardayda maanta ka qalinjebisay jaamacadda Burco, waxana uu ku sifeeyey guul weyn oo usoo hoyatay bulshada reer Togdheer.
Wasiirrada wasaaradaha Arrimaha gudaha, iyo Waxbarashada, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa bogaadiyey ardayda, waxana ay xuseen in siyaasadda xukuumadda ay safka hore kaga jirto horumarinta iyo tayeynta waxbarashadu heer kasta oo ay tahayba.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi oo munaasibadda ka hadlay, ayaa bogaadinta ardayda ka hor waxa uu tacsi u diray marxuum Cali Nuur oo mid kamid ahaa waalidiinta ubadkoodu maanta qalijebinayeen oo isla hoolkii xafladdu ka dhacaysay si kedis ah ugu geeriyooday, waxana uu Eebbe uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelladana samir iyo Iimaan ka siiyo.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu hambalyo farxad leh u diray Ardayda jaamacadda Burco ka aflaxday iyo cid kasta oo kaalin uun ka qaadatay inay heerkan soo gaadhaan, waxana uu yidhi,“Waxan hambalyo u dirayaa dhammaan ardayda qalinjebisay, waalidkooda, macallimiintooda, jaamacadda, wasaaradda waxbarashada inay maanta inoo soo baxeen dhallinyaro cilmi ku habaysan oo aqoon kala duwan leh oo dhammaantood dalka wax u tari doona.”
Intaa kaddib waxa uu madaxweynuhu xadhigga ka jaray dhisme ballaadhan oo casri ah oo loo dhisay Jaamacadda Burco, kaas oo ay wax badan ka tari doono baahidii jaamacadda ee dhinaca dhismaha.