Berbera-23-08-2023-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey oo xalay u hoyday Magaalo Xeebeeda Berbera ayaa Subaxnimadii hore ee saaka maqaaxida Oon-xoolaad kala quraacday qaar ka mida shacbiga ku dhaqan Berbera, waxaanu madaxweynuhu quraacda ka dib Kormeer ku soo maray goobaha ganacsiga oo ay ka mid tahay sariibadda weyn ee Magaalada Berbera, isagoo u kuurgalay xaalada guud ee suuq, warbiximana ka dhegeystay dadka halkaa ka ganacsanayey.
Intaa ka dibna waxa uu madaxweynuhu socod lug ah ku soo maray suuqyada Magaalada, iyadoo dadka ku dhaqan berberina ay si weyn u soo dhaweeyeen madaxweynaha iyo masuuliyiinta la socday oo ay ka mid ahaayeen maamulka heer gobol iyo heer degmo iyo qaar ka mid ah xildhibaanada gobolka.