Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolojiyadda oo kaashanaysa Hay’adda UN-HABITAT ayaa maanta soo gabo gabaysay kulankii wadatashiga hanaanka casriyaynta adeegyada dawladaha hoose ee shan dagmo(Hargaysa,Burco,Borama,Berbera iyo Gabiley ).
Kulankan maanta ayaa looga dooday laguna gorfeeyay adeegyo muhiim ah oo ay dawladaha hoose bixiyaan sida
Cashuuraha Daaraha,Ardiyadaha,Ganacsiga yar yar.
Sidoo kale waxa laga dooday hanaanka cashuur bixinta casriga ah (Online Tax Payment) ,iyadoo la soo bandhigay hanaan midaysan oo sahli kara Cashuur bixinta dawladaha hoose kaasi oo kala ah:-
•Mobile Money Payment (USSD)
•Card Payments
•Pay Online
Nidaamyadan cashuur bixinta casriga ah waxa hirgalin doono dawladaha hoose ee jamhuuriyada Somaliland.