Wasiirka Wasaaradda isgaadhsiinta iyo Teknolojiyadda Dr. CabdiWeli Sh. CabdiLaahi Suufi ayaa kulan la qaatay madax ka socota ICDF Taiwan oo uu hogaaminayo madaxa mashaariicda Somaliland ICDF, wehelinayaanna Madax ka socota shirkadaha Isgaadhsiinta iyo Technolojiyadda ee Taiwan.
Kulankan ayaa ku soo beegmaya waqti ay wada shaqayntii Wasaaradda isgaadhsiinta iyo ICDF Taiwan ay galayso qaybtii labaad 'Phase 2' ayadoo qaybtii koowaad ay labada dhinac ka wada shaqeeyeen mashaariicda isku xidhka nidaamyada Dawladda iyo Xarunta Hal abuurka ee Somaliland Innovation Zone sidoo kale helidda furaha Dal ee Internetka.
Qaybta labaad ee Mashruuca ayaa bilaabmidoona bilawga 2024, waxana ka mid ah meelaha ay labada dhinac iska kaashanayaan in Dawladda Somaliland ay yeelato Xog kaydin qaran 'National Data center' sidoo kale balaadhinta Xarunta Hal abuurka Somaliland, si ay u noqoto xarunta ugu weyn geeska Afrika.
Ugu danbayn, Kulanka ayaa kusoo dhamaaday is afgarad iyo in ay wada shaqaynta labada dhinac sii xoojiyaan.