
Kulanka Madaxweynaha waxa ku wehelinayey Wasiirrada Ganacsiga iyo Dalxiiska, Madaxtooyada, Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo Warshadaha, Guddoomiyaha iyo G/ku-xigeenka Baanka Somaliland, Maareeyaha Dekedaha Somaliland iyo Maareeyaha Kaydka Haamaha Shidaalka Qaranka.
Madaxweynaha ayaa ugu horrayn Ganacsatada uga mahad naqay kulanka, isaga oo xusay in ujeeddada kulanku ay tahay is-xogwaraysi iyo wada-tashi u dhexeeya Xukuumadda iyo Ganacsatada dalka kaasi oo lagaga arrinsanayo Xaaladaha dhaqaale ee soo kordhay isla markaana loo baahan yahay in laga soo saaro talo Qaran oo loo dhan yahay.
Madaxweynuhu waxa uu si faahfaahsan u dul istaagay culayska uu sicir-bararku ku hayo bulshada, isaga oo xusay in isbeddellada ka imanaya suuqyada Caalamiga ahi ay si toos ah u saameeyeen dhaqaalaha Somaliland. Waxa uu Ganacsatada ugu baaqay in ay muujiyaan masuuliyad Qaran, isla markaana ay door muuqda ka qaataan xasillinta suuqyada iyo ilaalinta awoodda wax iibsiga ee muwaadiniinta JSL.
Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si gaar ah u bogaadiyey doorka ay Ganacsatada reer Somaliland ku leeyihiin kobcinta dhaqaalaha dalka, isaga oo ku dhiirrigeliyey in ay sii laban-laabaan dedaalkooda, isla markaana ay mudnaan gaar ah siiyaan is-kaalmaysiga bulshada gaar ahaan xilligan adag iyo in si wadajir ah loo guto mas’uuliyad-wadaredka saaran Xukuumadda iyo Ganacsatada dalka.
Dhankooda, Ganacsatada Waaweyn ee Dalka ayaa si furan uga hadlay caqabadaha ay la kulmaan, iyaga oo tilmaamay in korodhka qiimaha shidaalka, kharashaadka gaadiidka, Caymiska soo dhoofinta, iyo isbeddellada ku yimaadda suuqyada Bariga Dhexe ay si weyn u saameeyeen ganacsigooda. Waxa ay tilmaameen in culaysyadaasi ay si toos ah u kordhiyeen qiimaha badeecooyinka, balse ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan Xukuumadda si loo helo xal loo dhan yahay, si loo ilaaliyo danta guud ee dalka iyo dadka.
Ganacsatada JSL waxa ay Madaxweynaha u caddeeyeen in aanay jirin cabsi laga qabo xagga Shidaalka iyo Raashinka, iyaga oo sheegay in ay mudnaan gaar ah siinayaan sidii loo sii kordhin lahaa Kaydka Raashinka iyo Shidaalka.
Sidoo kale, Ganacsatadu waxa ay soo jeediyeen in la xoojiyo wada-shaqaynta u dhexaysa Xukuumadda iyo Ganacsatada, in la dejiyo siyaasad cad oo lagu xakameeyo sicir-bararka, iyo in la sahmiyo suuqyo ganacsi oo cusub si loo yareeyo ku tiirsanaanta hal suuqyada Bariga Dhexe oo keliya.
Wasiirrada Ganacsiga iyo Maaliyadda oo iyaguna kulanka ka hadlay ayaa iftiimiyey xal-u-helidda xaaladaha hadda taagan taasi oo ka dhalatay saamaynta uu dagaalka Bariga Dhexe ku yeeshay Ganacsiga iyo Dhaqaalaha iyo in la dejiyo siyaasad cad iyo qorshe Qaran oo lagaga gaashaaman karo xaaladaha noocan oo kale ah.
Kulankan ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad guud oo ku saabsan in Xukuumadda iyo Ganacsatada ay si wadajir ah uga shaqeeyaan yareynta saamaynta sicir-bararka, ilaalinta xasilloonida suuqyada, waxana laga soo saaray qodobbada soo socda:
????. In Xukuumadda iyo Ganacsatadu ay yeeshaan wada shaqayn joogto ah oo lagaga arrinsanayo Xaaladaha dhaqaale ee soo kordha.
????. In la dhiso guddi farsamo oo ka kooban Xukuumadda iyo Ganacsatada.
????. In la kobciyo wax-soo-saarka gudaha iyo Warshadaha.
????. In la sameeyo Kayd Qaran oo la isku hallayn karo oo ah Raashin iyo Shidaal.
????. In Qorshe Qaran laga yeesho xasilinta Sarrifka Shillinka Somaliland.
????. In la sahmiyo marrino kale oo ay innoo soo maraan badeecaduhu oo aan la isku hallayn uun suuqyada Bariga Dhexe.
????. Marka ay dhacaan xaaladahan oo kale, waa in dib-u-eegis lagu sameeyo nidaamka Cashuuraha Dalka, si la isula eego sidii loo kabi lahaa Ganacsatada.
