
Fadhigii 59-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada JSL waxa lagaga wada hadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen:
????) ???????????? ???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????????????????? ???????? ???????????????????????????????????????? ????????????????????:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa si rasmi ah Golaha Wasiirrada ugu soo dhaweeyey Wasiirrada cusub ee uu dhawaan u magacaabay xilalka, kuwaasi oo kala ah:
1. Mudane Aadan Geeddi Qayaad, Wasiirka W. Horumarinta Beeraha JSL,
2. Mudane Maxamed Cabdimaalik Axmed, Wasiirka W. Horumarinta Biyaha JSL,
3. Mudane Dr. Cabdisalaan Xuseen Cawaale, Wasiirka W. Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda JSL,
4. Mudane Barkhad Jaamac Xirsi Batuun, Wasiirka W. Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL.
Xubnaha cusub ee Wasiirrada ayaa hadallo kooban ka jeediyey fadhigii maanta, iyaga oo Madaxweynaha uga mahad celiyey kalsoonida uu xilka ugu igmaday, Madaxweynahana ka
codsaday in uu u duceeyo in Alle SWT ku asturo xilalka Qaranka.
Dhinaca kale, Wasiirrada cusubi waxa ay ballan-qaadeen in ay xilalkooda u gudan doonaan si daacadnimo, hufnaan iyo masuuliyad Qaran leh, iyaga oo mudnaanta koowaad siin doona danaha guud ee dalka iyo dadka Jamhuuriyadda Somaliland.
????) ???????????????????????????????????????? ???????????????????????????????? ???????????????????????? ????????????????????:
Waxa ka war bixiyey Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo), isaga oo sheegay in guud ahaanba Amniga dalku uu sugan yahay isla markaana aanay jirin wax amni darro ah ama qalalaase nooc kasta oo uu yahayba.
Wasiirku waxa uu sheegay in dedaallada nabadaynta shaqaaqooyinka Gobollada Awdal iyo Selel ay meel wacan marayaan, bulshada walaalaha ahina ay diyaar u yihiin qaadashada nabadda.
????) ???????????????????????????????????????? ???????????????????????????????? ???????????????????????????????????????? ????????????????????:
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdillaahi Xasan Aadan ayaa Golaha Wasiirrada uga xog-warramay saamaynta dhaqaale, ganacsi iyo nololeed ee ay dagaallada Bariga Dhexe ku yeesheen dalka.
Wasiirku waxa uu tilmaamay in korodhka qiimaha shidaalka, kharashaadka soo dejinta iyo Caymiska Gaadiidka Badda ay si toos ah u saameeyeen ganacsiga iyo nolosha bulshada dalkeenna taasi oo keentay culays dhaqaale oo soo foodsaaray guud ahaanba muwaadiniinta.
Sida oo kale, Wasiirku waxa uu xusay in xaaladdani muujinayso baahida loo qabo in Qaran ahaan la isku tashado, lana xoojiyo ilaha dhaqaale ee gudaha, si loo yareeyo ku tiirsanaanta suuqyada dibedda.
Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay dedaallo weyn ugu jirto sidii kor loogu qaadi lahaa Dakhliga gudaha, loo xakamayn sicir-bararka iyo qiimdhaca Shilinka Somaliland. Wasiirku waxa uu ku baaqay in la qaadaayo tallaabooyin mideysan oo lagu xakameynayo saamaynta dhaqaale ee jira, isla markaana la kobciyo wax-soo-saarka gudaha iyo iskaashiga Hay’adaha Qaranka.
????) ???????????????????????????????????????? ???????????????????????????????????????? ???????????????????????????????? ???????????????????????????? ???????????? ???????????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ????????:
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay warbixin guud oo ku saabsan muhiimadda iyo faa’iidada istaraatiijiyadeed ee ay Qaranka Somaliland u leedahay Madax-bannaanida Dijitalka (Digital Sovereignty), gaar ahaan xilligan casriga ah. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay aqoonsigii Israa’iil kaddib in Cadowga Somaliland uu aad u batay, kuwaasi oo ku dedaalaya in Somaliland loola dagaalamo si kasta oo suurto gal ah.
Wasiirku waxa uu sheegay in xoojinta Madax-bannaanida Dijitalka ahi ay muhiim u tahay ilaalinta xogta Qaranka, Xidhiidhka iyo Muuqaalka Caalamiga ah, kobcinta adeegyada Dawliga ah, iyo horumarinta Diblomaasiyadda ku salaysan Tiknoolajiyadda. Waxa uu xusay in arrintani ay door weyn ka qaadan karto kor u qaadidda sumcadda iyo joogitaanka Somaliland ee heer caalami.
Sidoo kale, Wasiirku waxa uu shaaciyey in uu magacaabay guddi khubaro ah (Task Force) oo si aqoon, xirfad iyo xeeladba leh uga shaqayn doona hirgelinta qorshahan, isla markaana diyaarin doona istaraatiijiyad Qaran oo ku wajahan hirgelinta iyo ilaalinta Somaliland Digital Sovereignty.
Ugu dambayn, Wasiirku waxa uu Golaha Wasiirrada ugu baaqay in si wadajir ah loo xoojiyo arrintan, loona arko mudnaan qaran oo muhiim u ah mustaqbalka Jamhuuriyadda Somaliland.
????) ???????????????????????????????????????? ???????????????????????????????????????? ????????????-????-???????????????????????????? ???????????? ???????????????????????????????? ????????????????’????????????????????????????????????????????:
Wasiirka Wasaaradda Dib-u-Dejinta iyo Arrimaha Bini’aadannimada JSL, Mudane Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac ayaa Golaha Wasiirrada uga xog-warramay hab-sami-u-socodka hawlaha Wasaaradda, isaga oo xusay in ay si joogto ah u socoto fulinta barnaamijyada dib-u-dejinta iyo taageerada bulshada nugul.
Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu muddo 8 cisho ah ay qaybisay gargaar raashin ah oo loo fidiyey goobaha ay ku sugan yihiin dadka ay abaaruhu saameeyeen ee Gobollada Bariga Dalka.
Wasiirku waxa uu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta adeegyada iyo ka jawaabidda baahiyaha degdegga ah ee bulshada nugul, isaga oo talo ahaan soo jeediyey:
1. In gargaar degdeg ah la gaadhsiiyo Gobollada Bariga Dalka,
2. In la dardar-geliyo wada shaqaynta Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxalliga ah,
3. In la dejiyo qorshe Qaran oo lagaga gaashaamanayo Abaaraha soo noqnoqday,
4. In si joogto ah loo qiimeeyo xaaladaha nololeed ee dadka ay abaaruhu saameeyeen.
????) ???????????????????????????????????????? ???????????????????????????????? ???????????????????????? ???????????????????????????????????????? ???????????????????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ????????:
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Professor Ismaaciil Ducaale Yuusuf ayaa Golaha siiyey warbixin ku saabsan Habraaca Maamul daadejinta Waxbarashada Aasaasiga ah, isaga oo faahfaahiyey qorshaha lagu xoojinayo ka qaybgalka heerarka hoose ee maamulka Waxbarashada.
Wasiirku waxa uu sheegay in Habraaca Maamul Daadejinta Waxbarashada Aasaasiga ay ujeeddadiisu tahay in la dejiyo Hannaan Maamul-daadejineed oo si cad u qeexaya qaabka wada shaqaynta iyo masuuliyadaha ay kala yeelanayaan Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda Dawladaha Hoose, Goleyaasha Degaanka iyo Xafiiska Waxbarashada ee heer Degmo, gaar ahaan Degmooyinka loo daadejiyey Waxbarashada Aasaasiga ah.
Sidoo kale, Wasiirku waxa uu tilmaamay in hirgelinta nidaamkan ay kor u qaadi doonto tayada Waxbarashada Aasaasiga ah, isla markaana ay fududayn doonto gaadhsiinta adeegyo waxbarasho oo loo siman yahay dhammaan ardayda dalka.
Waxa uu xusay in habraacani uu dhiirrigelinayo wada-shaqayn dhow oo u dhexaysa Wasaaradda, maamullada hoose iyo bulshada, taas oo ka qayb qaadanaysa horumarinta Waxbarashada iyo daboolidda baahiyaha gaarka ah ee deegaannada.
????) ???????????????????????????????????????? ???????????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ???????????? ???????????????????????????????????????? ???????????????????????????????? ????????????
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Mudane Cabdilaahi Cismaan (Geeljire )ayaa Golaha Wasiirrada siiyey warbixin la xidhiidha heerka u diyaar-garowga Xuska Maalinta Qaran ee Dhir-Beerista JSL15.04.2026, isaga oo sheegay in Xukuumaddu qorshaynayso in la beero 13 milyan oo geed, si loo xoojiyo ilaalinta deegaanka loona yareeyo saamaynta Isbeddelka Cimilada.
Sidoo kale, Wasiirku waxa uu si adag ugu boorriyey Xubnaha Golaha Wasiirrada iyo dhammaan Hay’adaha Qaranka in ay qaataan masuuliyad muuqata oo ku aaddan beerista iyo daryeelka dhirta, gaar ahaan xarumaha ay gacanta ku hayaan, si ay tusaale wanaagsan ugu noqdaan bulshada inteeda kale.
Wasiirka Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada JSL waxa uu carrabka ku adkeeyey in isbeddelka cimiladu si weyn u saameeyey nolosha bulshada Somaliland, miyi iyo magaalaba, taas oo ka dhigaysa mid lama huraan ah in dalka loo jiheeyo dhaqaalaha cagaaran, iyada oo dhir-beeristu tahay laf-dhabarta dadaallada lagula tacaalayo Isbeddelka Cimilada.
????) ???????????????????????????? ???????????????????????????????????????????????? ???????? ???????????????????????????????????????? ???????????????????????????? ????????-???????????? ???????? ???????????????????????? ???????????????????????? ????????????????????????????????????????:
Gunaanadkii Fadhigii 59-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Golaha la wadaagay in dedaallada nabadaynta ee Gobollada Awdal iyo Selel ay si habsami leh u socdaan, iyada oo ay halkaas ku sugan yihiin wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka JSL.
Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah hoosta uga xarriiqay doorka weyn ee ay hoggaannada dhaqanka Gobollada Awdal iyo Selel ku leeyihiin xoojinta nabadda iyo wadajirka bulshada walaalaha ah ee ku wada nool deegaannadaasi, isaga oo uga mahad naqay dedaalkooda joogtada ah ee lagu xaqiijinayo xasillooni waarta.
