
Madaxweyne ku-xigeenka JSL oo ay weheliyaan Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta JSL, Guddoomiyaha Gobolka Awdal, Mayarka Degmada Borama, Mareeyaha Hay'adaha Waddooyinka, Iskuduwaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Gobolka Awdal iyo Xildhibaano ka tirsan labada Gole Qaran ayaa iyaguna halkaasi ku beeray dhir.
Madaxweyne ku-xigeenka oo munaasibadda Maalinta Dhir-beerista ka hadlay ayaa si weyn ugu dheeraday ahmiyadda ay maalintani u leedahay Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ku booriyey bulshada Somaliland in ay door firfircoon ka qaataan ilaalinta Deegaanka iyo kordhinta dhirta, isaga oo xusay muhiimadda ay dhirtu u leedahay nolosha aadamaha, yaraynta saamaynta Isbeddelka Cimilada, iyo horumarinta bilicda dalka.
Sidoo kale, waxa uu ku ammaanay Hay'adaha iyo bulshada ka qayb qaadatay Ololaha Dhir-beerista, isaga oo ugu baaqay in dedaallada noocan oo kale ah la joogteeyo si loo helo Deegaan caafimaad qaba oo waara.
