Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa Salaaddii Jimcaha kaddib hadal ka jeediyey Masjidka, isaga oo si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay nabaddu u leedahay jiritaanka iyo horumarka JSL. Waxa uu bulshada ku booriyey in ay ilaashadaan nabadda iyo xasilloonida, kana fogaadaan wax kasta oo hurin kara khilaaf iyo colaado.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyey in wadajirka iyo isku duubnidu ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee lagu gaadhi karo horumar waara, isaga oo bulshada ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan midnimada, is ixtiraamka iyo iskaashiga.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa sheegay in ay meel wanaagsan marayso xallinta colaadii ka taagnayd Gobollada Awdal iyo Selel oo uu sheegay in ay Xukuumaddu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulayso in halkaasi laga dhalayo nabad warta.
Sidoo kale, Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu ugu baaqay Culimada, Odayaasha dhaqanka, Dhalinyarada iyo guud ahaan Shacabka in ay door muuqda ka qaataan ilaalinta nabadda, isla markaana ay ka hortagaan fiditaanka hadallada iyo ficillada keeni kara kala fogaan bulsho.
Ugu dambayn, Madaxweyne ku-xigeenka ayaa bulshada ku dhiirrigeliyey in ay xoojiyaan isku kalsoonida iyo wada shaqaynta, si loo sii adkeeyo nabadda iyo horumarka dalka, isaga oo Alle uga baryey in uu Somaliland ku sugo nabad iyo barwaaqo joogto ah.