Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa kulan dardaaran iyo hoga-tusaalayn ah la yeeshay Masuuliyiin kala duwan oo uu dhawaan u magacaabay xilal Qaran, isaga oo ku adkeeyey in ay si daacadnimo iyo hawl-karnimo leh ugu adeegaan Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu ku boorriyey masuuliyiinta in ay ilaaliyaan masuuliyadda xilalka loo igmaday. Waxa uu xusay in xilalka Qaranku ay yihiin kuwo aan lagu waarayn oo qori-isu-dhiib ah, sidaa darteedna ay waajib tahay in muddada ay xilalka hayaan ay dhawraan magaca iyo sumcadda Qaranka.
Masuuliyiinta la magacaabay iyaguna dhankooda waxa ay Madaxweynaha JSL uga mahad celiyeen kalsoonida uu xilalka ugu igmaday, iyaga oo ballan-qaaday in waajibaadka ka dhalanaya xilalkooda ay u gudan doonaan si daacadnimo, hufnaan iyo masuuliyad qaran leh.