Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa kulan Afur ah la qaatay Odayaasha iyo Madax-dhaqameedka Gobolka Awdal.
Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka iyo Guddoomiyaha Gobolka Awdal.
Kulanka waxa lagu gorfeeyey xoojinta amniga, xasilloonida, isu soo dhaweynta, is-afgaradka iyo nabad-ku-wada-noolaanshaha bulshada walaalaha ah ee ku wada dhaqan Gobollada Awdal iyo Selel.
Madaxweynuhu waxa uu Madax-dhaqameedka Gobolka Awdal uga mahadnaqay doorkooda lama huraanka ah ee ay ku leeyihiin ilaalinta nabadda, xallinta khilaafaadka iyo adkaynta midnimada bulshada. Madaxweynuhu waxa uu xusay in nabaddu ay tahay tiirka koowaad ee Dawladnimada iyo horumarka bulshada, isla markaana ay waajib Qaran tahay in la ilaaliyo wadajirka iyo walaalnimada shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaanba.
Kulanka ayaa si gaar ah loogu lafa-guray muhimadda ay leedahay is-fahamka iyo iskaashiga ka dhexeeya laamaha kala duwan ee Xukuumadda iyo Madax-dhaqameedka, si loo sugo amniga guud ee Gobollada Awdal iyo Selel, loogana hortago wax kasta oo wax u dhimaya xasilloonida iyo wada noolaanshaha bulshada walaalaha ah.
Sida oo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Madax-dhaqameedka Gobolka Awdal siiyey warbixin guud oo ku saabsan hab-sami-u-socodka hawlaha Qaranka, horumarka laga sameeyey dhinacyada kala duwan ee Dawladnimada, iyo dedaallada diblomaasiyadeed ee lagu xoojinayo qaddiyadda aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, taasi oo uu Madaxweynuhu sheegay in ay marayso meel wacan.
Madaxweynuhu waxa uu adkeeyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay ku socoto jidkii horumarka iyo Dawladnimo adag, isla markaana ay lama huraan tahay in dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshadu ay ka wada shaqeeyaan ilaalinta nabadda, difaaca Qarannimada gaar ahaan xilligan uu batay cadowga Somaliland, iyo xaqiijinta himilooyinka ay leedahay ummadda Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulanka dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Madax-dhaqameedka Gobolka Awdal ayaa ahaa mid muujinaya isku duubni, midnimo iyo wadajir Qaran oo saldhig u ah mustaqbal waara oo ay u wada dhan yihiin shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.