Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo caawa ka qayb-galay Munaasabadda Ballaadhan oo loogu dabaal-degayey Xuska  maalinta Qaranimadda ee 18 May 

Hargeysa (   ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro , ayaa caawa ka  qayb-galay munaasibad ballaadhan oo lagu xusayey ,isla markaana lagu weynaynayey sannad guuradda 34 ee kasoo wareegtay maalinta Qaran ee dib ula soo noqoshada Qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18-ka May, taas oo lagu qabtay xarunta qasriga Madaxtooyadda JSL .

Munaasibaddan oo debbaaldeg iyo casho sharaf isugu jirtay, isla markaana ahayd mid lagu weynaynayey sannad guuradda 34 ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii Qaranimadda Somaliland,ayaa waxa madaxweynaha kala soo qaybgalay shir-guddoonka Golayaasha Guurtida iyo Wakiillada ,guddoomiyaha Maxkamadda sare, xubno kamid ah golaha wasiirrada, saraakiil ka socota hay’adaha madaxa bannaan, marti-sharaf kala duwan oo ka socotay waddamada deriska iyo dalalka kale ee Somaliland saaxiibka la ah, mudan iyo haldoor kale oo bulshada ah iyo marti-sharaf tiro badan oo reer Somaliland ah, waxana madasha laga jeediyey hadallo salka ku haya qiimaha maalintan Qaranimada JSL ee 18 May ay leedahay iyo heerarkii kala duwanaa iyo halgankii loo soo maray xorriyadda dalka.

Ugu horrayn, waxa munaasibadda lagu soo bandhigay masraxiyado iyo heeso kala duwan,kuwaas oo ahaa qaar lagu hogotusaalaynayo qiimaha ay leedahay maalintan Qaranimadda dalka ee 18 May,waxaana lagu muujinayey qiimaha waddaniyadda iyo is-jecaylka bulshada reer Somaliland dhexdeeda.