Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddida Heer Qaran ee Gurmadka Abaaraha Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta Salaadda Roob-Doonta shacabka kula tukaday Garoonka Weyn ee Kubadda Cagta ee Hargaysa.
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland waxa wehelinayey Wasiirro, Agaasimayaal Guud iyo Masuuliyiin sare oo ka tirsan Xukuumadda.
Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex iyo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta JSL oo ugu horayn shacabka la hadlay ayaa ka codsaday in ay is cafiyaan isla markaana Ilaahay loo toobad keeno.
Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in Alle SWT loo noqdo, gaar ahaan Xilliyada Abaarta isla markaana baryadiisa la badiyo, isaga oo bulshada ku boorriyey toobad, samir iyo isku duubni.
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xusay in Xukuumad ahaan ay dadaal joogto ah ku bixinayaan Gurmadka Abaaraha, isla markaana ay ka go’an tahay in la gaadhsiiyo bulshada ay dhibaatadu saamaysay biyo iyo baadba.
Sidoo kale, waxa uu shacabka ugu baaqay in ay xoojiyaan midnimada iyo isu gurmashada, maadaama dhibaatadu wada taabanayso bulshada oo dhan, isaga oo Alle ka baryey in uu raxmaddiisa ku gallado ummadda, roob khayr qabana ku mannaysto dalka iyo dadkaba