Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu weheliyo madaxweyne ku xigeenka JSL Maxamed Cali Aw- Cabdi ayaa caawa fadhi aan caadi ahayn isugu yeedhay Golaha Wasiirrada JSL, kaasi oo si gaar ah loogu lafo guray arrimaha la xidhiidha Aqoonsiga buuxa ee ay maanta Dawladda Israel siisay Jamhuuriyadda Somaliland.
Fadhigan waxa diiradda lagu saaray qiimaynta marxaladda cusub ee taariikhiga ah ee uu dalku galay, dejinta istiraatiijiyad Qaran oo ku wajahan Amniga, ka faa’iidaysiga fursadaha la socda aqoonsiga, xoojinta Hay’adaha Dawliga ah, iyo dar-dargelinta xagga diblomaasiyadda, iyo fursadaha dhaqaale ee ka dhalanaya aqoonsigan ay Jamhuuriyadda Somaliland waddamo ka tirsan Beesha Caalamka.
Madaxweynuhu waxa uu Golaha Wasiirrada ku adkeeyey in arrintani tahay masuuliyad Qaran oo u baahan in lagu qaabilo midnimo, isku-duubni iyo wada-shaqayn buuxda, isla markaana ay Xukuumaddu si midaysan ugu hawlgasho ilaalinta danaha Qaranka iyo xaqiijinta himilooyinka shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu Golaha Wasiirrada kula dardaarmay in ay dib ugu noqdaan bulshada oo ay ka wacyigeliyaan wararka khal-khalka ku abuuraya geeddi-socodka ictiraafka.
Xubnaha Golaha Wasiirrada JSL ayaa si wadajir ah ugu bogaadiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland dadaalladii hoggaamineed iyo istiraatiijiyadeed ee horseeday aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.
Wasiirradu waxa ay ballanqaadeen in ay Madaxweynaha kala shaqayn doonaan ka faa’iidaysiga fursaddan taariikhiga ah, si loo adkeeyo midnimada Qaranka, loona xaqiijiyo danaha siyaasadeed, dhaqaale iyo amni ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Fadhiga ayaa lagu soo gebogebeeyey is-afgarad iyo go’aan mideysan oo ku aaddan in Aqoonsiga Somaliland loo beddelo fursad dhab ah oo lagu xoojinayo nabadda, hannaanka dimuqraadiyadda, horumarka, iyo doorka ay Jamhuuriyadda Somaliland mandaqadda Geeska Afrika iyo Bulshada Caalamka.