
Madaxweyne ku-xigeenka JSL oo ay weheliyaan Wasiirrada Caafimaadka, Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Tamarta iyo Macdanta, Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda, Maamulka Gobolka Awdal, ka Degmada Borama Agaasimayaal ayaa kormeeray Cisbitaalka Guud ee Magaalada Borama.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa si weyn ugu dheeraaday muhimadda mihiimada ay leeyihin qalabkan caafimaad oo dabooli doona baahiyo Gobolka ka jiray waxana uu yidhi:
"Farxad gaara ayay maanta ii tahay inaan goobjoog u ahaado in cisbitaalka Borama ay maanta dhex yaalan Mishiinada Casriga oo si weyn bulshadu ugu baahnayd.
Waxa aan idinkula dardaarmayaa in aad qalabkan qaaliga ah aad ilaashataan oo masuuliyad culus la iska saaro, mana maqli karno in buukanada kalyaha loo sifeeyo ay safar u galaan si kalyaha loogu sifeeyo wixii dhiman na waydiiya wixii la idin keeno daryeesha.
