
Madaxweynuhu waxa uu halkaas ka jeediyey khudbad xambaarsan fariin Qaran, isaga oo si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay ilaalinta deegaanka, kaalinta dhir-beeristu ka qaadato xasillinta nidaamka dabiiciga ah ee Deegaanka, iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in Qaranku si mideysan u wajaho wax ka qabashada caqabadaha ka dhashay Isbeddelka Cimilada Adduunka.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyey in dhir-beeristu aanay ahayn oo keliya hawl ku kooban Wasaaradda Deegaanka, balse ay tahay waajib Qaran oo la xidhiidha bedbaadinta nolosha dadka iyo duunyada, horumarinta dhaqaalaha cagaaran iyo sugidda mustaqbalka jiilasha soo socda. Waxa uu xusay in xaalufka deegaanka iyo abaaraha soo noqnoqda ay si toos ah u saameeyeen nolosha bulshada, taas oo u baahan jawaab Qaran oo mideysan.
Dhinaca kale, Madaxweynuhu waxa uu ku baaqay in qof kasta oo reer Somaliland ahi uu xil gaar ah iska saaro ilaalinta deegaanka, taasoo kor u qaadaysa magaca iyo haybadda Qaranka JSL, caalamkuna uu Somaliland u arki doono Qaran masuul ah.
Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xusay sida ay Xukuumadda uga go’an tahay hirgelinta Siyaasado iyo Barnaamijyo Qaran oo lagu xoojinayo ilaalinta Deegaanka iyo la qabsiga Isbeddelka Cimilada, isaga oo ku tilmaamay in dhir-beeristu ay laf-dhabar u tahay dedaallada Xukuumadda ee ilaalinta Deegaanka.
