Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta Khudbad Sannadeedkiisii Dastuuriga ahayd ka hor jeediyey fadhiga Labada Gole Qaran ee Baarlamaanka, isaga oo si qoto dheer uga hadlay xaaladda guud ee dalka, horumarka la gaadhay iyo himilooyinka mustaqbalka.
Khudbaddan oo ahayd mid taariikhi ah ayaa si weyn u soo jiidatay dareenka bulshada Somaliland gudaha iyo dibaddaba, maadaama ay xambaarsanayd aragti hoggaamineed, jihayn Qaran iyo fariimo muhiim ah oo ku saabsan midnimada, horumarka iyo difaaca Qaranimada iyo qaddiyadda Somaliland.