Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo waftigii uu hogaaminayey ee socdaalka shaqo ku marayey deegaanada Xeebaha ee Gobollada Awdal iyo Selel ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Odayaasha dhaqanka iyo Wax-garadka Degmada Garbo-dadar, kulankaasi oo diiradda lagu saaray xoojinta nabadda iyo sidii si wadajir ah loo soo afjari lahaa colaadda u dhexeeya beelaha walaalaha ah.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay nabaddu u leedahay horumarka iyo wadajirka bulshada, isaga oo carrabka ku adkeeyey in xal waara lagu gaadhi karo oo keliya wada-hadal, isu-tanaasul iyo iskaashi dhab ah.
Waxa uu odayaasha iyo waxgaradka Degmada Garbo-dadar ku booriyey in ay qaataan doorkooda hoggaamineed ee ku aaddan dejinta xaaladda, isla markaana ay ka shaqeeyaan daminta xiisadaha jira.
Dhankooda, Odayaasha iyo Wax-garadka Garbo-dadar ayaa muujiyey sida ay diyaarka ugu yihiin in ay ka qayb qaataan nabadaynta, iyaga oo ballan-qaaday in ay dardargelin doonaan dedaallada lagu joojinayo colaadda, laguna soo celinayo kalsoonida iyo wada noolaanshaha bulshada degaannadaasi.
Kulankaasi ayaa ku soo ku soo dhammaaday is afgarad iyo dareen wadajir ah oo ku salaysan ka wada shaqaynta arrimaha nabadda iyo xoojinta walaalnimada shacabka Somaliland ee ku wada nool degaannadaasi.