Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa maanta kulan Qado-sharaf Qaran ah ugu yeedhay Saddexda Dha-dhaar ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland: Goleyaasha Sharci-dejinta, Garsoorka, Golaha Xukuumadda (Fulinta), Guddoomiyeyaasha Hay’adaha Dastuuriga ah, Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan ee Qaranka, La-taliyeyaasha Madaxweynaha, iyo marti sharaf kale oo heer Qaran ah.
Kulankan oo ahaa mid xambaarsanaa macne weyn oo Qaran, wadajir iyo bisayl dawladnimo, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ka jeediyey khudbad miisaan iyo aragti fog leh, isaga oo si cad u sharraxay in ujeeddada kulanku ay tahay xog-warran guud, muujinta midnimo Qaran, iyo sidii caqli iyo cudud mideysan loogu wajihi lahaa marxaladda cusub ee uu dalku galay aqoonsiga kaddib.
Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay cunfiga, hadallada colaadeed iyo nacaybka ay muujiyeen waddamo ka xun aqoonsiga ay Dawladda Israa’iil siisay Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu si cad u sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland aanay cidnaba u haynin colaad iyo calool xumo, isaga oo xusay in Somaliland ay dooratay jidka dawladnimada, xasilloonida iyo nabad ku wada noolaanshaha, balse aanay marnaba ka leexan doonin difaaca qaranimadeeda iyo jiritaankeeda ummadnimo.
Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in jawaabta Somaliland ee ku aaddan waddamada ku baaqaya dagaal ka dhan ah Somaliland aanay noqon doonin mid ku salaysan caadifad iyo seef-la-boodnimo, balse ay ku dhisan tahay Xikmad siyaasadeed, Difaac Qaran oo midaysan, iyo diblomaasiyad caqli iyo mas’uuliyad ku dhisan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mar uu ka hadlayey qiimaha uu aqoonsigu ugu fadhiyo Shacabka Somaliland waxa uu yidhi:
"Aqoonsiga hadyad la isuma siiyo, waxa aanu u soo galay halgan dheer, waxana lagu kasbadaa xilkasnimo, xasilooni, hanaanka dimuraadiga ah ee aanu hirgelinay, Dawlad wanaag, dhiiri gelinta ganacsiga suuqa xorta ah. Somaliland waxa ay dhisatay Dawladnimo buuxda oo ay ku ilaashato dhulkeeda iyo dadkeedaba, waxa aanay door muhiim ah ka qaadataa xasiloonida Geeska Afrika, badda cas iyo gacanka cadmeed. Dunidu waxa ay Somaliland u qirtay dal masuul ah oo lala macaamilo karo. Taas ayaa soo dedejisay aqoonsiga Somaliland."
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu mar kale cid kasta u caddeeyay in jiritaanka iyo aqoonsiga Somaliland aanu cidnaba khatar ku ahayn, balse aqoonsiga iyo madax banaaninayada Somaliland ay yihiin xuquuq iyo doonis Shacab, taasi oo ummadda Jamhuuriyadda Somaliland
ay rabaan in ay si sharaf, nabad iyo ammaan leh ay ugu noolaadaan dalkooda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mar uu ka hadlayay taariikhda Somaliland ee faca weyn leh iyo Sooyaalka madax-bannaanideeda waxa uu yidhi:
"Waxa aanu far-waaweyn ugu sheegaynaa in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dal iyo dad leh taariikh guun ah. Waa dalkii u horeeyey ee xornimo qaata, xornimadiisiina u sadqeeyey in uu abuuro Shan Somaliyeed, taas oo noqotay riyo lagu hungoobay. Djibouti gooni bay u taagan tahay, Kililku Ethiopia ayuu ka tirsan yahay, NFD na Kenya ayey ka mid tahay. Bal Soomaaliyey is waydiiya maxaa khasab iskaga dhigaya Somalia iyo Somaliland?"