Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa gaadhay magaalada Addis Ababa ee Caasimada dalka Itoobiya, kaddib markii uu marti-qaad rasmi ah ka helay Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya, Mudane Abiy Axmed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa Madaarka Caalamiga ah ee Bole International Airport ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dalka Itoobiya Gedion Timotheos iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dawladda Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya.
Soo dhawaynta Madaxweynaha Somaliland ayaa ahayd mid uu hab-maamuuskeedu sarreeyo, waxa ay qaddar nasasho ah ku qaateen qolka VIP-da ee Garoonka Diyaaradaha Addis Ababa, kaddibna waxa loo galbiyey goobta ay degi doonaan magaalada Addis Ababa.