Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qaybgalay maalinta caalamiga ah ee Haweenka Adduunka.
Hargeysa-09-03-2024-()Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo lagu xusayo maalinta caalamiga ah ee Haweenka Adduunka oo dunida oo dhan laga xuso 8-da Bishan March, maantana lagu qabtay caasimadda Hargeysa.
Munaasibaddan oo ay soo abaabushay wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska, ayey madaxweynaha kala qaybgaleen xubno kamid ah golaha wasiirrada, hormuudka ururrada kala duwan ee haweenka reer Somaliland, xildhibaanno, siyaasiyiin, haldoor iyo madax ka socotay hay’adaha kala duwan ee ay wada-shaqaynta leeyihiin, ayaa diiradda lagu saaray horumarinta haweenka reer Somaliland, iyada oo halku-dhigga sannadkanina ahaa maalingelinta haweenku waxa ay keentaa horumar.
Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha Bulshada iyo Qoyska, marwo Yurub Abiib Cabdi iyo agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, mudane Axmed Xasan Aw Aadan oo munaasibadda hadallo ka ka jeediyey, ayaa si qoto dheer u sharraxay muhiimadda ay maalintani leedahay iyo sida ay ka wasaarad ahaan xilka isaga saareen kor u qaadista xuquuqda haweenka reer Somaliland.
Xildhibaan Aamina Cilmi Fariid oo katirsan golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa iyaduna dhankeeda ku dheeraatay kaalinta haweenku qaranka ugu jiraan iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay inay mar kasta haweenka la garab istaago.
Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, marwo Edna Aadan Ismaaciil iyo guddoomiyaha ururka haweenka heer qaran ee NOW, marwo Xaliimo Xaaji Cabdi, ayaa si isku mid ah u bogaadiyey maalinta caalamiga ah ee Haweenka iyo kaalinta qiimaha leh ee ay haweenka reer Somaliland kaga jiraan dhismaha qaranka.
Wasiirrada wasaaradaha shaqo-gelinta, arrimaha Bulshada iyo Qoyska, Mudane Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor) iyo deegaanka iyo isbeddelka cimilada, marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandane oo si kooban uga hadlay munaasibadda, ayaa bogaadiyey guud ahaanba haweenka reer Somaliland, iyaga oo kula dardaarmay inay isku duubni iyo wada-jir ku bud-dhigaan hawlaha muhiimka ah ee ay qaranka u hayaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo goobta xuska ka jeediyey hadallo dhinacyo kala duwan leh, ayaa ugu horrayn haween weynaha reer Somaliland ku bogaadiyey maalinta caalamiga ah ee haweenka adduunka oo ku beegan 8-da bisha March, waxana uu yidhi,“Marka hore waan idinku hambalyeynayaa maalinta Haweenka Adduunka, waxana Sharaf ii ah oo aan aad idiinkaga mahadnaqayaa inaad maanta igu soo marti-qaaddaan shirkan sharfan ee haween weyinihii reer Somaliland isugu yimaadeen.”
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku dheeraaday sida ay haweenku laf-dhabarta ugu yihiin bulshada iyo kaalinta ay kaga jiraan qaranka, sida ay ugu samraan duruufaha kala duwan ee ku xeeran, barbaarinta ubadkoodana ugu dedaalaan.
Dhinaca kale, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu ka hadlay arrimo la xidhiidha u diyaar garowga doorashooyinka dalka kusoo foolka leh iyo waxyaabaha laga filayo inay doorashooyinkaas kasoo dhex baxaan ee baahida loo qabo inay bulshadu ku baraarugsanaato, waxana uu yidhi,“Doorashada waxa aynu ka rabnaa inaynu dalkeenna ku horumarino, qofka uu qof kastaaba isleeyahay kaasaa qaranka meel saari kara uu codkiisa siiyo, Doorashada waxaynu doonaynaa inay nabad ku dhacdo, qofka laga helaana uu ka hela u hambalyeeyo, markaas ayey doorashadu qiimo leedahay, mana aha inaynu ku collowno.”
Ugu dambayntii, madaxweynaha qaranku waxa uu bulshada kula dardaarmay inay isku-duubni iyo midnimo muujiyaan, maaddaama oo ay jiraan cadowyo kala duwan oo dibin-daabyeynaya horumarka uu qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ku tallaabsaday.
Wa-bilaahi Tawfiiq