Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-galay Xuska Sannad-Guurada 27aad Ee Aas-Aaska Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland

Hargeysa-02-02-2021-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka qaybgalay sannad-guuradii 27aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska ciidanka militeriga Somaliland oo lagu qabtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Ugu horrayn waxa uu madaxweynuhu kormeer kooban oo shaqo kusoo maray xerada ciidanka militeriga ee Bir-jeex oo uu kuyaalla cusbitaal qalabaysan oo ciidanku leeyahay, isaga oo cutubyo katirsan ciidanka qarankana salaan sharaf kaga qaatay xarunta taliska guud ee ciidanka oo uu uga sii gudbay goob si weyn loo qurxiyey oo loo asteeyey xuska munaasibadda sannad-guurada 27aad.

Munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayey xuska sannad-guuradan, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay wasiirrada wasaaradaha Gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye (fariid), arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore, Ganacsiga, dalxiiska iyo wershadaha, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed, taliyaha ciidanka qaranka, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, dhammaanba taliyayaasha ciidamada kale ee dalka, xildhibaanno, siyaasiyiin, saraakiil iyo diblomaasiyiin ka socda dalalka deriska iyo waddamada kale ee Somaliland xidhiidhaka la leh, madax katirsan saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.