Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta ka qayb-galay xafladda qalin-jabinta Machadka Shaqaalaha Dawladda (CSI), Dufcaddii 14-aad oo ay sannadkan ka qalin-jabiyeen 485 arday oo dhammaystay shahaadada heerka 1-aad iyo 2-aad, kuwaasi oo 80% ay ka mid yihiin Shaqaalaha Dawladda.
Ugu horrayn, Madaxweynuhu waxa uu hambalyo iyo bogaadinba u jeediyey ardayda qalin-jabisay, waalidiintooda iyo macallimiinta soo tababbaray, waxana uu ardayda qalin-jabisay kula dardaarmay in ay dedaalka sii wadaan, aqoontoodana ugu adeegaan dalkooda iyo dadkooda.
Madaxweynuhu waxa uu munaasibadda ka jeediyey hadal dhaxal gal ah oo dhinacyo badan taabanaya, isaga oo xusay in Shaqaalaha Dawladda ay yihiin laf-dhabarta Dawladnimada, isla markaana tayadooda aqooneed iyo xirfadoodu ay si toos ah u saamaynayso adeega bulshada, daah-furnaanta maamulka iyo horumarka Qaranka.
Dhanka kale, Madaxweynuhu waxa uu Machadka Shaqaalaha Dawladda ku bogaadiyey kaalinta uu ku leeyahay horumarinta xirfadaha Shaqalaha Dawladda, isaga oo ku tilmaamay in Machadka Shaqaalaha Dawladdu (CSI) uu yahay Hay’ad Istaraatiiji ah oo ku dhisan baahida loo qabo shaqaale aqoon sare iyo xirfad leh oo Qaranka ugu adeega karti iyo daacadnimo.
Madaxweynuhu waxa Machadka Shaqaalaha Dawladda kula dardaarmay in ay si dhab ah u ilaaliyaan Tayada Waxbarashada iyo aqoonta ay bixiyaan, sidoo kalena ay sameeyaan Cilmi-baadhis qoto dheer oo wax ka tari karta hindiseyaasha horumarinta dalka.
Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in dalkeenu uu yahay dal hodan ah oo uu Allah SWT ku mannaystay khayraad dihin oo kala duwan, sidaa darteedna loo baahan yahay in aynu ummad ahaan inagu isku tashanno, dhulkeena hodanka ahna wax kala soo baxno, si aynu uga maaranno deeq shisheeye iyo cunto aynu dibedda ka soo dhoofsano.
Ugu dambayntii, Madaxweynuhu waxa uu sheegay in aqoontu ay tahay furaha horumarka uu Qarankeenu hiigsanayo, isla markaana dal walba uu ku tiirsan yahay kartida iyo tayada dadka u adeega Dawladnimada.
Madaxweynuhu waxa uu dhammaan qalin-jabiyeyaasha ku dhiirrigeliyey in ay aqoonta ay barteen ugu adeegaan bulshada iyo Qaranka JSL, oo ay noqdaan tusaale wanaagsan oo lagu daydo.