Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdirahman Maxamed Cabdilaahi (Ciro), ayaa safar shaqo oo rasmi ah ugu baxay dalka Itoobiya, kaddib markii uu marti-qaad rasmi ah ka helay Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya, Mudane Abiy Axmed .
Safarkan ayaa ah mid xambaarsan ujeeddooyin diblomaasiyadeed oo miisaan leh, kaasi oo lagu xoojinayo xidhiidhka taariikhiga ah, iskaashiga istiraatiijiga ah iyo danaha muhiimka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo arrimaha isu-socodka.
Madaxweynaha iyo wefgigiisu waxa ay ku safreen Diyaarad Khaas ah. Inta Madaxweynuhu uu ku sugan yahay magaalada Addis Ababa, waxa uu kulamo heer sare ah la yeelan doonaa madaxda ugu sarraysa dalka Itoobiya, kuwaasi oo diiradda lagu saari doono xoojinta iskaashiga labada dal, kor u qaadidda ganacsiga iyo isu-socodka labada dal, iyo sidoo kale ka wada-shaqeynta nabadda iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.
Madaxweynaha waxa safarkiisa ku wehelinaya wefti culus oo ka kooban: Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Madaxtooyada, Maaliyadda, Hawlaha Guud, Maalgashiga; Taliyaha Ciidanka Qaranka, Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka.
Safarkani waxa uu muujinayaa muuqaalka cusub ee diblumaasiyadeed ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, iyo sida ay Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ugu dedaalayso in ay kor u qaaddo sumcadda, madax-bannaanida dhuleed iyo diblomaasiyadeed iyo kaalin muhiimka ee Somaliland ku leedahay Mandaqadda Geeska Afrika iyo Caalamka.