
Kulanka waxa uu Madaxweynuhu si faahfaahsan uga xog-warramay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray geeddi-socodka ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland, iyo dadaalladii diblomaasiyadeed ee horseeday in Dawladda Israel maanta oo ay taariikhdu tahay 26.12.2025 si rasmi ah u aqoonsato qarannimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in ictiraafkani yahay mid midho-dhal u ah halgankii dheeraa ee Qaranka Somaliland, isla markaana u baahan midnimo Qaran, talo-wadaag iyo masuuliyad wadajir ah si fursaddan taariikhiga ah loo xoojiyo loona arko guul wayn oo u soo hoyatay dadka iyo dalka JSL.
Kulanka waxa iyaguna hadallo miisaan leh ka jeediyey Madaxweynayaashii iyo Madaxweyne-ku-xigeennadii hore, Shir-guddoonka labada Gole Qaran iyo Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran, kuwaasi oo dhammaantood Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa ku hambalyeeyay ka midho dhalinta aqoonsiga Somaliland, waxana ay ku baaqeen in Xukuumadda la isbar-bar taago, lana muujiyo midnimo Qaran, sidoo kalena Bulshada JSL la wacyigeliyo laguna baraarujiyo in ay ku fara adaygaan guusha taariikhiga ah ee mar kale u soo hoyatay Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulanku waxa uu ku soo dhammaaday is-afgarad guud iyo taageero Qaran oo la isku raacay in la sii dardar-geliyo dadaallada ku wajahan aqoonsi caalami ah oo buuxa.
