Fadhigii 54-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), isla markaana uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.
Fadhigii 54-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada qodobbada lagaga wada hadlay waxa ka mid ahaa:
1) ???????????????????????????????? ???????????????????????????????? ???????? ???????????????? ????????????????????:
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Sheekh Cabdullaahi-Baashe Daahir Jaamac ayaa Golaha Wasiirrada JSL siiyey warbixin dareen iyo damqasho leh oo la xidhiidha Xaaladda adag ee abaaraha ka jira guud ahaanba dalka oo dhan, isaga oo tilmaamay dhibaatada baahsan ee haysata dadka iyo duunyada, gaar ahaan bulshada reer miyiga ee xoolo dhaqatada ah iyo dadka nugul, sida carruurta, haweenka iyo dadka waayeelka ah.
Wasiirku waxa uu ku baaqay in si degdeg ah loo galo Gurmad Qaran oo midaysan, isaga oo hoosta ka xarriiqay in ay waajib Diini ah iyo mid Qaranba ay tahay in la isu naxariisto, loo gurmado, lana badbaadiyo walaalaheenna ay abaaruhu saameeyeen.
Sidoo kale, Wasiirku waxa uu ku baaqay in Qaylo-dhaan rasmi ah loo diro bulshada Somaliland gudaha iyo dibeddaba, gaar ahaan ganacsatada iyo dadka maal-qabeenka ah si ay uga qayb qaataan gurmadka iyo taakulaynta dadka Somaliland ee tabaalaysan, isla markaana loo muujiyo midnimo iyo walaalnimo dhab ah.
Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu waxa uu xusay in dhammaan Hay’adaha Qaranka ee ku shaqada leh wacyigelinta bulshada ay si midaysan ummadda ugu sheegaan, uguna soo ban-dhigaan baaxadda abaaraha iyo muuqaalka dhabta ah ee nolosha bulshada abaaruhu saameeyeen.
Wasiirku waxa uu xusay in wakhtigan adag ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan loo baahan yahay isku duubni Qaran, Allah bari, sadaqo, duco iyo dadaal wadajir ah, si looga gudbo xaaladda ka sii daraysa ee abaaraha.
2) ???????????????????????????????????????? ???????????????????????????????? ???????????????????????? ????????????????????:
Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, isaga oo sheegay in ammaanka guud ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay mid sugan oo xasiloon, isla markaana aanay jirin khatar amni oo Qaranka halis ku ah.
Wasiirku waxa kale oo uu ka warbixiyey Safar Shaqo oo isaga, Wasiirka Gaashaan-Dhigga, Wasiirka Khayraadka Biyaha, Saraakiil iyo xubno kake ay ku tageen Gobollada Salel iyo Awdal si ay ugu kuur galaan xaaladaha amni ee degaannadaasi iyo sidii la isugu soo dhawayn lahaa bulshada walaalaha ah ee ku wada nool deganadaasi, isaga oo sheegay in dedaalladaasi ay meel wacan marayaan.
3) ???????????????????????????????????????? ???????????????????????????????? ???????????????? ???????? ???????????????????????????????????????????? ????????????????????:
Waxa Golaha Wasiirrada warbixin waafi ah ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, Mudane Dr. Xuseen Bashiir Xirsi.
Wasiirku waxa uu sheegay in guud ahaanba Gobollada Dalka, Bari ilaa Galbeed, ay ka jirto Xummad baahsan. Haddaba, si ay Wasaaraddu xogogaal ugu noqoto xaaladda dhabta ah, isla markaana looga jawaabo baahiyaha caafimaad ee jira, Wasiirka Horumarinta Caafimaadka oo hoggaaminayey hawl-wadeennada sare iyo dhakhaatiirta Wasaaraddu waxa ay safarro ugu kala baxeen Gobollada Togdheer, Saraar, Sool iyo Sanaag, iyaga oo soo kormeeray 26 goob-caafimaad, si ay ugu kuur-galaan xaaladda caafimaad ee Gobolladaasi oo ay weliba ka jirto abaar baahsan oo halis ku ah nolosha bulshada.
Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Wasaaraddu ay Gobollada u dirtay daawooyin, isla markaana ay hawl gelisay hawl-wadeenno caafimaad oo la tacaala maaraynta xanuunka xummadda. Waxa adeeg caafimaad la gaadhsiiyey ilaa 5000 oo qof, waxa la qaybiyey daawooyin dhammaystiran oo badan, waxa la hawl geliyay dhakhaatiir la tacaala xummadda, iyo bulshada oo laga wacyi-geliyey xanuunka xummadda.
4) ???????????????????????????????????????? ???????????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ???????? ???????? ???????????????????????????? ????????????-???????????????????? ???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ????????????????????????????????:
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cismaan Ibraahim Nuur (Afgaab) ayaa Golaha Wasiirrada u soo ban-dhigay warbixin la xidhiidha hab-raaca adeegsiga Gaadiidka Dawladda, isaga oo carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo nidaam cad oo lagu maamulo, laguna ilaaliyo hantida gaadiidka Qaranka.
Wasiirku waxa uu soo jeediyey in Wasaarad kasta ay yeelato Agaasime-waaxeed u qaabilsan waaxda Gaadiidka, si loo xoojiyo maamulka, dayactirka iyo si quman-u-adeegsiga gaadiidka Dawladda.
Waxa uu sidoo kale xusay in sugitaanka raad-raaca, diiwaangelinta iyo jiritaanka Gaadiidka Dawladdu ay tahay arrin lagama maarmaan u ah amniga guud ee Qaranka JSL, maadaama ay la xidhiidho ilaalinta hantida Qaranka iyo hubinta isticmaal quman oo waafaqsan sharciga dalka.
Dhinaca kale, Fadhigii 54-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa laga soo saaray go'aan Xukuumadeed oo ah
1. Qabashada Salaadda Roob-Doonta Dalka oo dhan, maalinta Axada; 22/02/2026. Saacadda, Hab-raaca iyo Goobaha lagu tukan doono waxa soo saari doonta Wasiirrada Diinta iyo Awqaafta JS