
Qodobbada maanta lagaga wada hadlay Fadhigii 36-aad waxa ka mid ahaa:
1. ???????????????????????????????????????? ???????????????????????????????? ???????????????????????? ????????????????????:
Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Cabdalle Maxamed Carab, isaga oo sheegay in guud ahaanba Amniga lixda Gobol ee dalku uu sugan yahay, isla markaana aanay jirin wax qalalaase ama xasilooni darro ah nooc kasta oo ay tahayba oo ka jira lixda Gobol ee Dalka.
Dhinaca kale, Wasiir Cabdalle waxa uu sheegay in ay dalka ka jirto degenaansho siyaasadeed oo buuxa. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Shilalka Gaadiidku ay yihiin mushkilad Qaran oo u baahan in Qaran ahaan wax laga qabto.
2. ???????????????????????????????????????? ???????????????????????????????? ????????????????????????????????????????, ???????????????????????????????????????? ???????????? ????????????????????????????????:
Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Mudane Cabdilaahi Xasan Aadan. Wasiirku waxa uu Golaha si kooban ugaga xog warramay hab-sami-u-socodka ururinta Cashuuraha Berriga iyo kaalinta ay ku leeyihiin kobaca dhaqaalaha dalka. Wasiirku waxa uu sheegay in odoroska Dakhliga Qaranka ee 2025-ka uu u socdo sidii loogu talo galay. Sidoo kale, waxa si wacan u socda Diyaarinta Miisaaniyadda Qaranka ee 2026-ka.
Wasiirku waxa uu xusay in korodhka dakhliga gudaha uu astaan u yahay horumarka dhaqaalaha iyo aaminaada awooda dhaqaale ee JSL, isla markaana ay arrintani ay door weyn ka qaadanayso tayaynta iyo maalgelinta adeegyada bulshada iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha dalka.
3. ???????????????????????????????????????? ???????????????????????????????? ???????????????? ???????? ???????????????????????????????????????????? ???????????????????? ????????????:
Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Mudane Dr. Xuseen Bashiir Xirsi. Wasiirka waxa uu Golaha Wasiiradda warbixin ka siiyey xaaladda guud ee caafimaadka dalka, isaga oo xusay hawlaha adeegyada caafimaadka bulshada ee Gobollada Dalka iyo caqabadaha jira ee Qaran ahaan u baahan in wax laga qabto.
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka waxa uu Golaha u sheegay in uu xadhiga ka jaray Dhakhtarka Maanka (Dhimirka) ee magaalada Berbera oo si wacan loo qalabeeyay.
Ugu dambayntii, Wasiirku waxa uu sheegay in ay Wasaaradda ka go’an tahay xaqiijinta iyo xoojinta adeegyada caafimaadka bulshada , si ay shacabka Somaliland u helaan adeeg caafimaad oo la isku hallayn karo oo joogto ah.
4. ???????????????????????????????? ???????????? ???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????????? 6 ???????????????????????????????????????? ???????? ???????? ???????????????????????????????????????????? ???????????? ????????????????????????????????????:
Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL, Mudane Khadar Xuseen Cabdi ayaa Golaha Wasiirrada si kooban uga warbixiyey ururinta iyo qaabaynta warbixinta lixdii biloodlaha ahayd ee ay Wasaaraduhu soo gudbiyeen.
Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in warbixintaasi laga samayn doono qoraal rasmi ah oo Xukuumi ah, kaasi oo ku salaysan Tiirarka muhiimka ah ee Qorsheyaasha Qaranka, si loo helo daahfurnaan maamul, isla xisaabtan iyo dardargelinta waxqabadka Hay’adaha Xukuumadda.
Gabagabadii Fadhigii 36-aad ee Shirka Golaha, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxa uu Golaha Wasiirrada faray (sida uu dhigayo ama ku cad Xeerka Qandaraasyada Qaranka, Xeer Lr. 82/2018); in Wasaarad kasta oo fulinaysa Mashruuc laga maal-geliyo deeqo ama iskaashi Caalami ah, ay waajib tahay in ay qorshahooda qandaraasyada ku xereeyaan Guddida Qandaraasyada Qaranka, isla markaana ay si buuxda ugu hoggaansamaan habraacyada iyo tilmaamaha ay Guddidu dejisay.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland